Dagaalkan oo udhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan DF ayaa xalay ka dhacay degamada Aadan-Yabaal ee Gobolka Sh-dhexe.
Dagaalka ayaa socday in muddo ah, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Qof goob jooge ah oo lasoo xiriiray idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa inoo sheeegay in labada ciidanka dagaalku dhexmaray ay kala ahaayeen, ciidamo uu utaliyo Saneyn Cabdulle oo ah sarkaal katirsan DF, iyo kuwo loo yaqaan Boolis Millataariyo oo degmada wada joogay.
Dagaalka ayaa ka ka dhashay khilaaf soo kala dhexgalay labada ciidan oo salka ku haya nin katirsan Maleeshiyaadka Macaawisleyda oo qoragiisa laga qaatay habeen hore.
Xog aan helnay waxay sheegeysaa in Askartan DF ee xalay kuwada dagaallamay gudaha Aadan-Yabaal ay iska dhaawaceen ilaa 5 askari oo labada dhinac ah, halka ay dhaawac ugeysteem qof shacab ah.
Qofka rayadka ah ee ay dhaawaceen ayaa ah, haweeney kamid ah dadka u dhashay degmada, waxayna xabaddu kaga dhacday Jilibka.
Dhaawacyada qaar ee Askarta DF iyo qofkii shacabka ahaa ayaa la sheegay in loo qaaday magaalada Muqdisho.
Dhawaan ayey ahayd markii ciidamo kawada tirsan DF ay sidan oo kale ugu dagaallameen gudaha degmada Aadan-Yabaal.