Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Hindiya ayaa shaaca ka qaaday, in xukuumadda Qadar ay xabsiga kasii deysay 8 ruux oo Hindi ah kuwaas oo ay horay xukun ugu riday.
Warbixinno la baahiyay ayaa tibaaxaya, in 8-daan ruux ee u dhashay dalka Hindiya kol sii horreysay lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu eedeeyay iney la shaqeynayeen sirdoonka Maamulka Yahuudda.
Xukuumadda New-Delhi ayaanan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku’aaddan 8-da ruux ee dalkeeda udhashay iyo jaraa’imta lagu soo eedeeyay, halka sidoo kale aysan dowladda Qadar ka hadal qadiyaddaan horayna aysan u shaacin eedeymaha.
Balse warbaahinta dalka Hindiya ayaa shaaca ka qaaday, in raggaan oo uu ku jiro sarkaal hore oo karirsanaa ciidamada Badda ee Hindiya bishii August ee sannadkii 2022-ka lagu xiray, magaalada Dowxa ee caasimadda dalka Qadar.
Bishii October ee lasoo dhaafay, madaxda dalka Hindiya ayaa sheegay iney la fajaceen xukunka dilka ah ee kasoo baxay maxkamad ku taalla dalka Qadar, bishii December ayay mar kale sheegeen in laga laabtay xukunkaas, iyagoo aan xilligaasi bixin tafaasiil dheeraad ah.
Sideedaan nin ayaa la sheegay iney u shaqeynayeen sharikad fadhigeedu yahay Khaliijka oo bixisa taageero ku aaddan arrimaha duulista hawada, amniga iyo difaaca, sida lagu sheegay website-ka sharikaddaas.
Wargeyska Hinduuska ayaa sheegay, in raggaan ay basaaseen maslaxada dowlad saddexaad, halka saxiifadda Times of India oo soo xiganeysa ilo dhowr ahna ay tilmaamtay, in raggaan lagu eedeeyay iney la shaqeynayeen sirdoonka maamulka Yahuudda.
Xukuumadda New-Delhi oo sheegtay in dhammaan sideeda nin lasoo daayay ayaa bayaan ay soo saartay wasaaradeeda arrimaha dibadda waxay ku tiri “Dowladda Hindiya waxay soo dhaweyneysaa sii deynta 8-da muuwaadin ee Hinduuska ah, ee u shaqeynayay sharikadda Al-Dahra Global oo lagu xiray dalka Qadar.”
Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa intaasi ku daray, in 7 kamid ah raggaasi ay dib ugu noqdeen dalka Hindiya, waxayna xukuumadda dalkaasi Amiirka Qadar uga mahad celisay, qaraarka sii deynta iyo dib ucelinta ah ee uu ufidiyay la heystayaasha Hinduuska ah.