Ash-Sheykh Muxamad bin Muxamad bin Rabiic Ad-dawaahiri, wuxuu sanadkii 1372-dii hijriyada, oo waafaqsan 1953-dii miilaadiyada ku dhashey isbitaalka Dr Majid ee mandiqadda Ad-Daqi ee gobolka Al-Jiiza ee dalka Masar.
Wuxuu kasoo jeedaa qoys ahlu diin ah, oo ka tilmaaman guud ahaan caalamka Islaamka, gaar ahaan dalka Masar, awoowga aabihii dhalay oo ah Muxamad Rabiic Ad-Dawaahiri, wuxuu ahaa prefosoorka kulliyada daawada ee jaamacadda Ceynu Shamsi.
Awoowga hooyadii dhalayna waxaa lagu magacaabaa sheikh Cabdul Wahaab Cazzaam, wuxuu mar soo noqday masuulkii jaamacadda Al-Qaahira, iyo xubin kamid ah majmaca Luuqadda Carabiga.
Amaa walaalkii la dhashey oo uu isagu da’ ahaan ka yaryahay, waa Sheekha caalimka ah iyo hogaamiyaha Jihaadiga ah Sheekh Ayman Ad-Dawaahiri, ahna amiirka guud ee Mujaahidiinta Al-Qaacida.
Si lamid ah walaalihii, oo ay keensaneysa bii’ada guriga ay kusoo koreen, wuxuu sheikh Muxamad Ad-Dawaahiri kusoo barbaaray tarbiyo islaami ah oo toosan, xalqadaha Quraanka iyo masaajidda ayuunsa u dhexeeyay intii uu yaraa, isagoo markaa kadib ku biiray kulliyada Injineeriyadda, gaar ahaan qeybta dhismaha, taasoo uu ka aflaxay sanadkii 1974-tii miilaadiyada.
Culuumta Shareecada wuxuu ka qaatay culimo waaweyn oo caan ka ah caalamka Islaamka, waxaana kamid ah sheikh Cabdil Muxsin Al-Cabaad oo ahaa masuulkii hore ee Jaamacadda islaamiga ee dhulka Xarameynka, Sheekh Safar Al-Xawaali, Sheekh Kharbuush oo mar noqday imaamka Xaramka, iyo sheikh Muxamad Amiin Al-Harari oo kaso jeeda magaalada Harar ee kujirta gumeysiga xabashida Itoobiya.
Wuxuu sheekhu Alle ha u naxriiste xubin ka noqday hay’adda gurmadka Islaamiga ah, taasoo u suurogelisay inuu booqasho ku tago wadamo badan oo katirsan caalamka Islaamka, si dhowna ula socdo xaalka dhabta ah ee muslimiinta.
Sheikh Muxamad Ad-Dawaahiri, oo kunyadiisu tahay Abuu Ayman Al-Misri, wuxuu xubin ka ahaa jamaacadii Al-jihaad ee dalka Masar, taasoo ka dambeysay masuuliyadda camaliyaad Jihaadi ah oo lagu dilay hogaamiyeel masaari ah oo ku taagnaa diinta, uuna kamid yahay madaxweynihii Masaarida Jamaal Cabdi Naasir.
Intii uu socday halgankii Jihaadka ee Afqaanistaan lagula galay midowga Soofiyeet, wuxuu sheikh Muxamad Ad-Dawaahiri dhowrjeer safar ku tagay halkaas, isagoo ka qeybgalaya Jihaadka.
Sanadkii 1993-dii, maamulka Aala-Sucuud oo amar ka helaya Maraykanka ayaa isku dayay inuu gacanta ku dhigo sheikh Muxamad Ad-Dawaahiri oo waqtiyo kamid ah noloshiisa ku sugnaa dhulka Xarameynka, laakiin Allaah ayaa ka badbaadiyay.