Ciidamada Dowladda Maraykanka iyo kuwa ay Tababarteen ee Soomaalida ah qaarkood ayaa Xalay Weerar ku qaaday Degaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeelaha hoose.
ugu yaraan Qof Dumar ah ayaa ku dhaawacantay Rasaas ay Ciidamadaanu fureen waxaana ay bur buriyeen Guryo dad Shacab ah ay lahaayeen.
Dhinaca kale isla Degaanka Degaanka Mubaarak waxaa Dagaal ku dhex maray Ciidankaan weerarka ahaa iyo kuwa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
lama soo werin inta uu la eg yahay Khasaaraha gaaray Ciidanka Maraykanka iyo kuwa saacidaya laakiin dadka Degaanka ayaa sheegaya in Goobahii ay ku sugnaayeen Ciidanka Maraykanka iyo kuwa saacidaya lagu arkay dhiig xinjira ah waxaana la sheegayaa in ay u muuqato in ay horay u qaateen askartii wax yeelatu ka gaartay.
Xaaladda Degaanka ayaa iminka ah Mid xasilan waxaana la daweynayaa haweeneyda Dhaawaca ah iyadoo Ciidankii so duulaan tegayna dib u baqdeen ama u carareen.