Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaa laga soo sheegayaa in markale uu halkaasi ka dhacay dil loo geystay nin Ganacsade ahaa oo kamid ah bulshada ku dhaqan magaaladaas.
Tahliil Xaaji Aadan ayaa lagu magacaabijiray ninka ganacsadaha ahaa ee lagu dilay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxa uuna ninkaan kamid ahaa ganacsatada mudada fog ku ganacsanayay magaalada.
Rag hubeysan oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa la sheegay iney geysteen dilkaan, waxayna ku dhex toogteen goobtiisa ganacsi, iyagoona ugu dambeyn isaga baxsaday halkii ay dilka ka geysteen.
Dilkaan ayaa loo badanayaa inuu salka ku hayo aanooyin qabiil, sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada, waxaana Gaalkacyo mudooyibkii lasoo dhaafay kusoo badanayay dilalka nuucaan ah.