Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aaday Dalka Itoobiya si uu kula kulmo Saaxiibkiis Abiy Axmed oo ah Ra’iisalwasaaraha Dalkaas kaasoo waayadaan ka careysnaa Maadaama Xasan ka soo horjeestay Heshiis Abiy uu Badda Soomaaliya qayb ka mid ah ku qaadanayo oo uu la galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Xasan ayaa warar badan oo qaarkood isu buruniayaan sheegay tan iyo markii heshiiskaasu dhacay oo ku beegneyd 01 01 2024 waxaanuu mar Itoobiya ku tilmaamay Cadawga Soomaaliya marna waxa uu sheegay in Itoobiya hadday Bad rabto aanay ahayn in ay Muuse ka saxiixato ee ay ahayd in ay Meelo kale marto taasoo loo fasiray “muxuu Abiy Axmed aniga iigu iman waayay anigaa Bada u saxii lahaaye”.
Itoobiya ayaa si muuqata u bahdishay Xasan Sheekh sababtoo ah waxaa Garoonka Diyaaradaha Adis ababa kusoo dhawweyay Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shidde oo ka mid ah Soomaalida ay gumeysato waxaanay ahayd in Ra’iisalwasaare Abiy uu soo dhaweeyo laakiin waxa uu ugu tala galay in uu Xasan tuso sida uu agtiisa uga liidDan yahay.
Xasan ayaa sheegayaA in uu ka qayb gAlayo Shirar ka dhacaya Adis ababaa oo Ururka midwga afrika, Igad iyo Ururka dhaqaalaha Bulshada bariga Afrika leeyihiin Shirarkaas oo dhamaantood Itoobiya ay garwadeen ka tahay ayna marti gelineyso, wuxuna doonayaa in uu si toos ah ama si dad ban ula kulmo Ra’isalwasare Abiey oo Maamulkiisu Yahay Cidda koowaad ee Xasan Garoonka ku soo dhaweysay Guriga uu degayana dejineysa amnigiisana sugeysa.
dad badan ayaa Run u maleeyay hadalkii Xasan Sheekh ee Itoobiya DAnaheeda in uu ka horymid uu ku muujinayay laakiin mar dambe ayuu sheegay in waxwalba ay diyaar u yihiin in la isla meel dhigo laakiin ay tahay in Itoobiya gacan dhaafka joojiso o ay ka noqoto Heshiiska ay Madaxweynaha Soomaaliland la gashay.
kumanaan Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa Dalkeena Soomaaliya qaybo ka mid ah haysta waxaana Itoobiya iminka dooneystaa in Ciidamo dhanka Badda ah oo ay horay u tababaratay soo geliso Badda Soomaaliya. Xilli loo saxiixay labaatan kiilow mitir oo Bad ah oo ka tirsan Badda Cas aybteeda Soomalaiya ayna ku jirto Dekadda Magaalada Saylac.