HomeAll newsMaqaal: Gorgortan Kama Galeyno Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka.

Maqaal: Gorgortan Kama Galeyno Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka. [DHAGAYSO]

Gorgortan kama galeyno isku xukunka Shareecada Islaamka, waa ciwaanka maqaal lagu daabacay cadadka 218aad ee majallada As-Sumuud ee soo baxay bishan Shacbaan, kaasoo ay soo saarto wasaaradda Warfaafinta ee Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan.

Maqaalkan oo uu qoray xubin katirsan Imaarada oo lagu magacaabo Abuu Yaxya Al-Baluushi, waxaana uu kaga hadlayaa sida hirgelinta Shareecada Islaamka ay agtooda uga tahay lama taabtaan, aan marnaba gorgortan iyo wadahadal laga galeynin.

“ Hay’adda YONAMA ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afqaanistaan, ayaa soo saartay warbixin ay ku eegeyso xaaladda dalkan saddexdii bilood ee ugu dambeysya sanadkii 2023-da, waxayna hay’addu sheegtay xaqiiqooyin waaqica baalmarsan oo ku aadan xuquuqda haweenka iyo xijkaabkooda iyo sida ay Xukuumadda Afqaanistaan ula dhaqanto” ayaa lagu billaabay horudhaca maqaalka.

“ Inkastoo warkan ay baahisay hay’adda uu yahay mid sal iyo raad aan midna lahhayn, hadana wuxuu ka hor imaanayaa waxay na fartay Shareecada Islaamka, gaar ahaan arimaha haweenka iyo xijaabkooda, in axkaamta Shareecada lagu tilmaamo iney ka hor imaaneyso xuquuqda Aadanaha ayaana ihaano ku ah Shareecada Islaamka iyo shacabka muslimka ee nafta u huray sidii uu isugu maamuli lahaa Shareecada Islaamka” ayuu yiri Abuu Yaxya Al-Baluushi.

Wuxuu intaa sii raaciyay “marka aan shacabka hortii ka sheegno inaan ku maamuleyno Shareecada Muxamadiyada dhulka Afqaanistaan, ma awoodno in taako in la eg aan khilaafno Shareecada, haddii aan sidaasi sameynana Sharciga iyo Shacabkuna way naga hor imaanayaan, maxaa yeeley shacabku wuxuu caruurtiisa u huray in Shareecada lagu maamulo, xuduuda la fuliyo, gumeystahana dalka laga saaro. Sharcigana nooma ogolaanayo inaan isaga ka hor imaano, maxaa yeelay diinteenu maahan keliya xiriir u dhexeeya adoonka iyo Allihiisa, ee waa diin shamlineysa guud ahaan jawaanibta nolosha sida dhaqaalaha, siyaasadda, arimaha bulshada iyo guud ahaan nolosha” ayaa lagu yiri maqaalka ay baahisay majallada As-Sumuud ee taabacsan Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan.

“ Shacabka Afqaanistaan ee dulmi diidka ah wuxuu tobanaankii sano ee lasoo dhaafay u istaagay sidii uu kaga hortagi lahaa dimuqraadiyadda reer galbeedka beenta ah, ee beegsaneysa diinteena, sharafteena iyo karaamada haweenkeenna, dadka hor boodayana ay kor u sidaan halkudhigyo ay kamid yihiin xorriyada basharka iyo haweenka, arimahaas oo lagu doonayo in fasahaadka loogu dhex faafiyo wadamada muslimiinta, lana taago dhaqan ka hor imaanaya wuxuu Alle na faray oo ku aadan haweenka” ayuu leeyahay qoraaga maqaalkan lagu faafiyay cadadka cusub ee majallada As-Sumuud, ciwaankana looga dhigay gorgortan kama galeyno Shareecada Islaamka.

Dhagayso Kama_Gorgoratmeyno_Dhaqan_gelinta_Shareecada_Islaamka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular