Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa ku waramaya, in weerar lagu qaaday xarun mellatari oo ay ciidamada Turkiga ku leeyihiin woqooyiga dalka Ciraaq, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan hal askari oo Turki ah ayaa lagu dilay, mi kalena waa lagu dhaawacay weerarkaan lagu qaaday xarunta mellatari ee ku taalla woqooyiga dalka Ciraaq, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda difaaca ee xukuumadda Ankara.
“Weerar xoog ku gal ah ayaa la isku dayay in lagu qaado xerada ciidamada Turkiga ee Mandiqadda Qaflul Makhlab ee woqooyiga dalka Ciraaq, waxaana intii uu iska hor-imaadka socday la dilay hal askari” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dowladda Turkiga.
Weerarkaan lagu qaaday xerada ciidamada Mellatariga Turkiga ee woqooyiga dalka Ciraaq ayaa lasoo sheegayaa iney ka dambeeyaan Maleeshiyaadka PKK oo ay xukuumadda Ankara iyo xulafadeeda reer-galbeedka u aqoonsan yihiin waxay ugu yeeraan urur “Argagixixo”.
Iyadoo laga jawaabayo weerarkaan ayay madaxda dowladda Turkiga sheegeen iney howlgallo mellatari ka wadaan Mandiqadda.
In ka badan 17 Askari oo Turki ah ayaa lagu dilay weeraro kala duwan oo dhacay labadii bilood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo lagu qaaday xarumo mellatari oo uu Turkigu ku leeyahay woqooyiga dalka Ciraaq.
Dowladda Turkiga ayaa duullaan mellatari ku joogta qeybo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya, halkaas oo ay ka wado xad gudubyo kala duwan.
Waxay mar waliba ku andacootaa in ay wadamadaasi ugu duushay sidii ay ucurub tiri laheyd Maleeshiyaadka xisbiga shaqaalaha Kurdida ee loo yaqaanno PKK, kuwaas oo mucaarad ku ah xukuumadda Ankara, marar bandanna fuliyay weeraro ka dhacay gudaha dalka Turkiga oo lagu beegsaday xarumo ku yaalla dalkaas iyo wasaarado xukuumadeed.