HomeAll newsJamaacada Nusratul Islaam oo Weeraro Horleh ka Fulisay Dalalka Burkinafaso & Nigeria.

Jamaacada Nusratul Islaam oo Weeraro Horleh ka Fulisay Dalalka Burkinafaso & Nigeria.

Wararka ka imaanaya Mandiqadda Saxaraha iyo Saaxilka Africa ayaa ku waramaya, in Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ay weeraro horleh ka fuliyeen dalalka Burkinafaso iyo Nigeria.

Bayaan kooban oo ku qornaa luqadaha Carabaiga Engalisha ayaa lagu faahfaahiyay qaabka ay udhaceen howlgalladaan cusub ee ay fuliyeen Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin.

Weerarka koowaad oo ahaa mid cagmarin ah ayaa waxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee galbeedka Africa ku qaadeen, bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen askar katirsan dowladda Nigeria.

Askarta ayaa ku sugnaa degaanka Tiira oo katirsan gobalka Talaabiiri, waxaana goobta isaga firxaday ciidankii ku sugnaa koontaroolka, iyagoo ka cararay hub iyo agabyo mellatari.

Dalka Burkinafaso waxaa isana ka dhacay weerar kale oo ay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin la beegsadeen ciidamo katirsan xukuumadda dalkaas.

Weerarkaan oo ahaa mid kamiin ah ayaa waxa uu ka dhacay, inta udhexeysa degaannada Saamga iyo Koogwi ee dalka Burkinafaso.

Muddo kooban oo ay rasaas socotay kadib, waxaa goobta isaga firxaday askarta xukuumadda Burkinafaso, iyagoo ka cararay 1 qori oo BKM ah, 4 mooto iyo agabyo kale.

Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa sii kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan wadamada dhaca saxaraha iyo saaxilka Africa, kuwaas lagu beegsanayo askarta xukuumadaha daba dhilifka ah iyo Maleeshiyaaadka Murtazaqada Fagnar.

Weeraro kol sii horreysay ka kala dhacay wadamada Maali Burkinafaso iyo Niger ayay Mujaahidiintu ku dileen ku dhawaad 30 askari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular