Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Maanta Weerar Toos ah ku qaaday Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Dhufeysyada ku leh Magaalada Camaara ee Gobalka Mudug.
Dagaalka waxaa barbar socday Madaafiic Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku garaaceen Xarumaha Ciidamada Dowladda Federaalka ah ku sugnaayeen.
Ugu yaraan laba askeri ayaa Dagaalka iyo duqeynta looga dilay Dowladda Federaalka ah waxaana suura gal ah in Khasaaruhu intaa ka badan yahay.
waxay Tanu ku soo aadeysaa Xilli Shalay Dagaalo dhowr mar ka dhacay Duleedka Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud ay ku naf waayeen ugu yaraan 7 Askeri oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah halka 9 kalena ku dhaawacmeen.
Niyad jab iyo hoos u dhac xoog leh ayaa ku yimid Ciidamada Dowladda Federaalka ah Wixii ka dambeeyay Dagaalkii Bishii hore ka dhacay Degaanka Caad ee Gobalka Mudug kaasoo in ka badan laba boqol oo askeri looga dilay Dowladda Federaalka ah.