Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay shil xooggan oo ka dhashay buur kusoo duntay deegaan dhaca bariga Afghaanistaan, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka islaamiga ah.
Ilo wareedyo dhanka deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in dhacdadaan ay ka dhacday deegaan hoostaga wilaayada Nuristan ee dhacda bariga dalka Afghanistan, halkaas oo ay buur wayn kusoo duntay.
Maamulka islaamiga ee Imaarada ayaa sheegay in kooxaha gurmadka xukuumadda islaamiga ay ka qeyb qaadanayaan soo saarista meydadka dadka ku hoos jira goobtii ay buurtu kusoo duntay, si gaar ah degmada Nurgram ee wilaayada Nuristan.
Warbaahinnada maxalliga ah, waxay sheegeen in dhimashadu ay kor u dhaaftay 28 ruux oo ay ku jiraan haween iyo caruur, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo ay burbur soo gaareen 30 guri oo deegaanka ah.
Maamulka imaarada islaamiga ah ayaa laga soo xigtay in ciidamo ka tirsan kooxda gurmadka deg degga ah ay Allaah fadligiis ku guuleysteen inay soo saareen maydadka 13 xubnood, waxay sidoo kale tilmaameen inay isku dayayaan inay soo saaraan maydadka inta kale ee ku go’doonsan burburka hoostiisa.
Maamulka islaamiga ah, waxaa sidoo kale laga soo xigtay in kooxaha ku howlan samata bixinta musiibadan ay la kulmayaan dhibaatooyin ka dhashay baraf aad u badan oo da’ay, kuwaas oo xiray waddooyinka soo gala goobta uu shilku ka dhacay, waxa uu sidoo kale barafku sababay in ay xiranto waddada isku xirta Kunnaar iyo Nuristan.