Mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab ayaa baahisay maqaal ciwaan looga dhigay maalmihii xabad joojinta Filastiin 75 sano kahor illaa iyo iminka, oo uu qoray qoraa lagu magacaabo Saalim Ash-Shariif, oo xubin ka ah majallada Umatun Waaxida ee taabcsan Lajnada Warfaafinta ee Qaacidatul Jihaad.
Qeybaha hore ee maqaalka wuxuu bogaadinayaa maxaabiis isweydaarsigii malamihi hore ee dagaalka Qazza dhexmaray Kooxaha Muqaawamada Filastiin iyo maamulka Yahuudda, taasoo ay xabsiyada Yahuudda kaga soo baxeen boqollaal maxaabiis muslimiin ah oo u badnaa haween iyo caruur.
Saalim Ash-Shariif wuxuu tilmaamayaa in reer Filastiin gaar ahaan Qazza iyagoo go’doonsan, hadana ay dhigayaan wacdaro la xiriira iska dhicinta iyo taxadiga cadowga Sahyuuniga ee heleya taageerada reer galbeedka, ayna ku guuleysteen in masaaxadaas yar ay ku ilaaliyaan maxaabiista Yahuudda, ugu dambeynna lagu sii daayo heshiis maxaabiis isweydaarsi ah.
Duruusta ay Muslimiinta ka baranayaan muslimiinta Qazza, ayuu tilmaamayaa Saalim Ash-Shariif inaan xitaa lagu baran karo jaamacadaha iyo kulliyadaha caskariga, ayna reer Qazza noqdeen camaaliqo ku xeeldheer arimaha dagaallada.
“ Waxay kordhiyeen masaaxda dhulka, iyagoo qotay dhulka hoostiisa, cadowgii ayayna u sata dheereeyeen, kadibna waxay uga soo baxeen godadka dhulka, sidaba shinnidu usoo baxdo, dhulka ayaana u noqday naxriis iyo meel soo dunta, waana sidaas marka ay go’do asbaabta basharka, kuwa mustadcafiinta ah ma heystaan waxaan Alle ka ahayn, kaasoo ilhaaminaya una hiilinaya” ayuu leeyahay qoraaga maqaalkan ay daabacday mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab.
Isagoo sii hadlaya qoraaga maqaalka wuxuu leeyahay “ wuxuu dagaalka Qazza isla egta guusha dagaalka dhexmaraya kooxo yar oo wata hub kala duwan iyo ciidamada nidaamiga, kuwaasoo waxtarkoodu hooseeyo marka laga hadlayo dagaallada magaalooyinka. Wuxuu kaloo dagaalka Qazza sugay inaaney awoodda cireed ee diyaaradaha aanu waxba ka bedeli karin dagaalka meydaanka, keliyana yihiin qalabyo wax gumaada, dadkana laaya, mana kusii jirto marka aaladaas ay gacanta ku hayaan Yahuudda”.
Howlgalkii 07-da October ee Duufaanta Al-Aqsaa ayuu qoraaga maqaalka ku tilmaamay inuu ahaa darsi milliteri iyo mid xujo ku ah qof weliba oo ka fadhiya Jihaadka, wuxuuna albaab ceeb ku ahaa xukuumadaha iyo dowladaha ka jira caalamka Islaamka.
Dhanka kale, wuxuu soo hadal qaadayaa qoraaga maqaalka dowrka Maraykanka iyo Ingiriiska ee ku aadan qadaayaatka muslimiinta, iyo si guud bashariyada iyo sida labadan dowladood aaney u lahayn dhaqan iyo diin celisa toona, ujeedkooduna yahay in mar weliba ay xaqiijiyaan hadafka ay leeyihiin, haba ku gaaraan in dunida guudkeeda waxa saaran oo dhami gumaadaane.
“ Laga soo billaabo gowricii iyo gumaadkii ay u geysteen dadkii asalka ahaa ee deganaa Maraykanka, magaalooyinkii ay tirtireen ee Japan iyo Jarmalka amaba Afqaanistaan, illaa looga yimaado waxa ay maanta ka sameynayaan Yahuuddii ay iyagu soo barbaariyeen Jiidda Qazza, waxay muujineysaa in diintooda ay tahay maslaxadda, cizzigoodana yahay hantida, oo aaney lahayn akhlaaq iyo mabaadi’ toona, maantana waxaa dhiiqa lugaha kula jira dadka ku nool caalamka Islaamka ee la dhacsanaa reer galbeedka, waxaadba dhihi kartaa waxay qarka u saaranyihiin iney kasoo noqdaan dimuqraadiyadda, waaba haddii ay fahan leeyihiine” ayuu leeyahay qoraaga maqaalka Saalim Ash-Shariif ee ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab.
Dhagayso Warbixin Maqaal Xabad joojinta Qazza- Saalim Ash-Shariif