Magaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa habeen hore lagu dilay, wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabijiray C/Rasaaq Maxamed Cabdulle, waxaana wiilka haleeshay rasaas uu furay ruux hubeysan.
Dilkan ayaa si gaar ah kaga dhacay xaafadda Kooshin, waxaana wiilka la dilay isagoo saaran mooto Bajaaj mareysay isla xaafadda aan soo sheegnay.
Ninka dilka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Muuse Caruush, Ciidanka Boolisk DF ee jooga magaaladaas ayaana sheegay iney gacanta ku dhigeen ninkan, sida ku xusan war qoraal ah oo lagu baahiyay baraha intarnet-ka
Dhacdadan ayaa saameynteeda laga dareemayaa magaalada Baladweyne, waxayna arrintani qeyb ka tahay amni xumada ay dareemayaan Bulshada ku nool magaaladaas.
Dilal badan ayaa horay uga dhacay magaalada Baladweyne, wanaa meel ay ku loolamayaan maamullo isdiidan oo kamid ah DF, kuwaasoo oo mid waliba uu doodanayo in uu kan kale meesha kasaaro.