HomeAll newsAskar Katirsan Nuseyriyada oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Weerar ka Dhacay...

Askar Katirsan Nuseyriyada oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Weerar ka Dhacay Suuriya.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa ku waramaya in weerar lagu qaaday askar katiran Maleeshiyaadka Nidaamka Nuseyriyada ee bashaar Al-saad uu ka dhacay qeybo kamid ah dalkaas.

Weerarkaan oo ahaa mid xoog kugal ah ayaa waxaa lala beegsaday fariisimo ay askarta Nuseyriyada ku leeyihiin  degaan dhaca bariga magaalada Idlib ee dalka Suuriya.,

Weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 2 kamid ah ciidanka Bashaar Al-Asad, iyadoona lagu dhaawacay 3 kale oo katirsan isla ciidanka Nuseyriyada.

Sidoo kale iska hor’imaadyo culus oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa waxay ka dhaceen Mandiqadda Jabalu Zaawiyah ee dhacda koonfurta magaalada Idlib, kuwaas oo udhexeeya ciidanka Nuseyriyada iyo kooxo hubeysan.

Illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah usheegatay masuuliyadda weerarkaan lagu qaaday ciidanka nidaamka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad kana dhacay bariga magaalada Idlib ee dalka SUuriya.

Sidoo kale Jamaacada Ansaarul Islaam ee ka dagaallanta dalka Suuriya ayaa shaaca ka qaaday in askar katirsan nidaamka Bashaar Al-Asad ay ku dishay weerar ay ka geystay gudaha dalka Suuirya.

War kooban oo kasoo baxay Jamaacadaan ayaa lagu sheegay, in weerar shiish ah lala beegsaday askar katirsan nidaamka dhiigya cabka ah ee Bashaar Al-Asad, kaas oo sababay dhimashada tiro askar ah.

“Allaah fadligii waxaa weerar shiish ah ku dilnay 2 kamid ah Maleeshiyaadka Nidaamka Nuseyriyada, kaas oo ka dhacay baadiyaha magaalada Xalab” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jamaacada Ansaarul Islaam ee dalka Suuriya.

Jamaacadaan ayaa marar badan fulisay weerar toos ah iyo madaafiic ay ku beegsatay ciidamada Bashaar Al-Asad, waxaana muuqaallo ay horay ubaahisay ay kusoo bandhigtay weeraro lagu laayay askar katirsan nidaamka oo ka dhacay qeybo kamid ah dalka Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular