Safaaradda Mareykanka ee magaalada Moscow ayaa soo saartay digiin culus oo ku wajahan dadka Americanka ah ee ku sugan magaalada caasimadda u ah Ruushka ee Moscow.
Safaaradda ayaa shaaca ka qaaday iney ogaatay qorshe halis ah oo ay dajiyeen qolyo ay ku tilmaamtay xagjirayaal, kaas oo lagu beegsanayo isku imaatinnada caamka ah ee ku yaalla caasimadda Ruushka.
Waxay digniin culus u dirtay Americanka ku sugan magaalada Moscow iyo guud ahaan dalka Ruushka, iyadoo ugu baaqday ineysan tagin goobaha caamka ah iyo meelaha ay kaga shakisan tahay falalka ay ka digtay.
“Waxaan si dhaw ula soconnaa wararka sheegayaa in qolyo xagjir ah ay wadaan qorshe ay ku beegsnaayaan isku imaatinnada waaweyn ee ku yaalla magaalada Msocow, goobahaas oo ay kamid yihiin meelaha lagu qabto xafladaha Musica” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay safaaradda.
Safaaradda, oo marar badan ku boorisay dadka Mareykanka ah inay si degdeg ah uga baxaan Ruushka, ayaanan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca halista ay ka digeyso, balse waxay sheegtay inay ka fogaadaan isu imaatinka oo ay feejignaadaan.
Maalmo ka hor, wasiirka gaashaandhigga ee dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqay in la dhisayo labo aag oo milateri, taasoo jawaab u ah isballaarinta ururka NATO iyo xoojinta milateri ee ay ka wadaan xudduudaha Ruushka.