HomeAll newsSawirro: Gudiga Gurmadka Fatahaadaha oo Sh/Hoose Kusoo Bandhigay Hawlqabadkiisa.

Sawirro: Gudiga Gurmadka Fatahaadaha oo Sh/Hoose Kusoo Bandhigay Hawlqabadkiisa.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday degaanka Kuunyo-barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka gudiga gurmadka fatahaadaha ee XSHM iyadoo munaasabadda ay goob joog ahaayeen mas’uuliyiin, culimo, salaadiin, ganacsato iyo xubno kale oo qeybaha kala duwan ee bulshada ka socda.

Kulanka qeybihiisa hore waxaa warbixin laga dhageystay mas’uuliyiinta gudiga kuwaasoo faahfaahin ka bixiyay hawlqabadkooda iyo sida ay ugu guuleysteen iney badbaadiyaan bulshadii halista ugu jirtay fatahaadihii wadanka ku dhuftay bilihii lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha gudiga Sheekh Maxamad Abuu Usaama iyo Afhayeen gudiga Sheekh Xasan Yacquub waxay sheegeen in fatahaadan ay ahayd tii ugu ballaarnayn ee soo martay wilaayaatka islaamiga ah, xataa waxay sheegeen iney ka ballaarnayd tii sagaashameeyadii ka dhacday koofurta Soomaaliya oo ay goob joog u ahaayeen.

Hawlqabadka gudiga ee lasoo bandhigay ayaa isugu jira sida tan:-

Ugargaaridda dadka go’doomay, dayactirka wadooyinka, dib u dajib, raashin qeybin iyo daaweyn, waxaana goobta xafladda lagu daawaday muuqaallo ka tarjumaya dhammaan hawlqabadkan. Mas’uuliyiinta gudigu waxay sheegeen in dadkii fatahaada ku barakacay ay maanta beerahooda usoo go’een kadib markii si wanaagsan loo maareeyay.

Sheekh Xasan Afgooye oo kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada Al-Shabaab ayaa hawlqabadkan ku tilmaamay inuu ahaa mid ka weyn wax ay iyau qabteen balse ay tahay arrin uu Allaah u suurageliyay, wuxuuna bulshada Soomaalida ku amaanay is caawinta iyo isgarab-qabashada.

Mid kamid ah asbaabaha suuragalka ka dhigay in hawlaha gurmadka lagu guuleysto wuxuu ku tilmaamay daacadnimada hogaanka Xarakada kuwaasoo uu sheega iney iyaga isk billaabeen bixinta tabarrucaada kana jareen ciidankooda, halka DF ay awoodi weysay iney qeybiso mucaawinooyin ay dowladaha qaar keeneen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular