Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan ciidamada Naftood huriyaasha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacaddii labaad oo xiriir ah waxay howlgal toogasho ah ka wadaan gudaha hotelka SYL ee kaabiga ku haya madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Illaa iyo hadda majiro gurmad rasmi ah oo soo gaaray xubnaha lagu heysto gudaha hotelka SYL ee Muqdisho.
Warar la helayo waxay tilmaamayaan iney jiraan xubno katirsan Dowladda Federaalka oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka ka socda hotelka SYL, sarkaal lagu magacaabo Fanax oo ah taliyaha ciidamada loogu yeero Haramcad ayay wararka qaar sheegayaan inuu dhaawacanyahay.
Saraakiisha ku dhaawacantay howlgalka hotelka SYL waxaa kamid ah xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysaal Caraale Afrax.