Hawlgalkii ay ciidamada XSHM xalay fiidkii ka billaabeen SYL HOTEL oo kaabiga ku haya madaxtooyada DF ee magaalada Muqdisho waxaa uu galay saacaddii shan iyo tobnaad.
Waxaa jira khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac iskugu jira oo DF ka soo gaaray hawlgalka iyadoo dadka la dilay uu kamid yahay xildhibaan.
Afhayeenka ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday iney dib kasoo faahfaahin doonaan khasaaraha ka dhashay weerarka.
Illaa hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda DF oo ku aadan weerarka SYL, weerarka ayaa saameeyay hawlihii madaxtooyada, xarunta baarlamaanka iyo tan warfaafinta iyadoo barta Youtube ee SNV aanan waxba lagu soo daabicin muddo 14 saacadood ah oo ka billaabanaysa wax yar kadib markii hotelka lala wareegay.