HomeAll newsDiyaaradaha Turkiga oo 18 Qof oo Caruur & Haween U Badan Ku...

Diyaaradaha Turkiga oo 18 Qof oo Caruur & Haween U Badan Ku Xasuuqay Sh/Hoose.

Waa wiil yar oo ku dhaawacmey duqeynta Kenya

Tuulo hoos tagta degmada Afgooye oo lagu magacaabo Baqdaad waxaa habeenkii xalay ka dhacay gumaad kadib markii diyaaradaha dagaalka ee dowladda Turkigu duqeeyeen masjid iyo guryo dad beeraley ah dagganaayeen.

Xilligii duqeyntu dhacaysay oo ay dadka badankood ku jireen salaada taraawiixda ayaa waxaa degaanka laga maqlay jugta gantaallo dhowr ah oo ay diyaaraduhu hawada sare kasoo rideen.

Duqeymaha ayaa ku dhacay masjid iyo guryo waxaana ku nafwaayay ugu yaraan 18 qof kuwaasoo u badan caruur iyo haween. War kasoo baxay XSHM ayaa waxaa lagu faahfaahiyay nooca diyaaradda wax duqeysay iyo khasaaraha.

Dadka ku dhaqan tuulada Baqdaad iyo maamulka islaamiga ah ayaa ku mashquulsan aasidda meydadka iyo daweynta dhaawacyada iyadoo ay jiraan caruur dhaawac ah oo ay xaaladoodu daran tahay.

” Diyaarad nooceedu yahay Bayraktar TB2 oo ay leedahay dawlada Turkey ayaa ugu horeyn gantaal ku dhufatay masaajid ku yaalla tuulada Baghdaad halkaas oo ay dadku Taraawiix ku tukanayeen, kadibna dadkii ka soo badbaaday duqaynta oo u soo cararay gudaha tuulada ayay gantaal labaad ku dhufatay. Dhimashada inta la xaqiijiyay waa 18 qofood oo u badan dumar iyo caruur, dhaawucuna waa 12 kale”.

Sidoo kale waaliga Sh/hoose Sh/Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan ayaa Radiyaha Al-furqaan u sheegay in duqeyntan ay ahayd mid uu si ula kac ah Turkigu ugu bareeray si uu u xasuuqo shacabka Soomaaliyeed.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA WAALIGA

Halkan Ka Degso Wareysiga Waaliga Sh hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular