Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay tobannaan ruux oo lagu eedeeyay isku day fagambi oo ka dhan ah xukuumadda Adis Ababa.
Dalka Itoobiya waxaa ka taagan qalalaase siyaasadeed, kadib markii uu fashilmay isku day afgambi oo la doonayay in xilka looga tuuro xukuumadda Abey Axmed.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegtay iney xabsiga dhigtay 50 ruux oo ku eedeysan isku daygaan Afgambi ee ka dhaca dalkeeda.
Waxay sidoo kale dowladda Itoobiya dadkaan ku eedeysay iney qorsheynayeen dilka saraakiil muhiim ah oo katirsan xukuumadda Adis Ababa.