Habeenkii xalay gaar ahaan xilligii Afurka waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay iska hor-imaad udhexeeyay ciidamo kawada tirsan DF.
Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay degmada C/Casiis ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Iska hor-imaadka ayaa yimid ka gadaal markii ciidamo la sheegay in lagu soo taba baray dalka Eretrea iyo kuwa katirsan Sirdoonka DF ay isku dhaceen.
Dagaalka intuusan billaaban kahor ayaa lasoo warinayaa in ciidamadu ay dhac ugeysteen dadka rayidka ah, islamarkaana ka furteen mobello ay wateen.
Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsan ciidanka DF ayaa lagu dilay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhinacyada dagaallay ah.
Dagaalka dhex mara ciidamada DF ayaa marar badan kusoo noq noqday magaalada, kuwaas oo inta badan geysta khasaare soo kala gaara ciidamada iyo dadka rayidka ah ee lagu dul dagaallamo.