Cabdi Iley oo kamid ah dadka ugu taariikhda madow Soomaalida, dhawaanna laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ayaa la sheegayaa in xil sare looga magacaabayo maamulka dhulka Soomaaligalbeed ee ay ku shaqeysato Itoobiya.
Xogo la helayo ayaa sheegaya in sii deynta Cabdi Iley uu si kadis ah ku go’aansaday Abiy Axmad, ra’iisulwasaaraha Itoobiya wixii ka dambeeyay markii uu Muuse Biixi ka saxiixday inuu qaato qeybo kamid ah badda Soomaaliya.
Majallad lagu magacaabo African intelligence ayaa warbixin ay daabacday ku sheegtay iney heshay xog caddeeneysa in Cabdi Iley xil looga magacaabayo maamulka maqaarsaarka ah ee ay xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga.
Waxay sheegtay majaladdu in Cabdi Ileh uu dowr weyn ka qaadan karo arrimaha gobolka iyadoo la ogyahay in Itoobiya ay olole ballaaran ugu jirto sidii ay u qaadan lahayd qeyb kamid ah badda Soomaaliya.
Itoobiya waxay ka baqeysaa iney dagaal toos ah ugu bareerto qabsashada badda Soomaaliya maadaama ay aad u daciiftay awoodeedii islamarkaana dagaalo ay ka socdaan wali gudaheeda, sidaa darteed waxay door bideysaa iney Soomaalida isku adeegsato.
Majaladda African intelligence waxay sheegtay in Cabdi Iley uu saaxiibo badan ku leeyahay maamulada ka jira Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan Axmad Madoobe iyo Xasan Sheekh, sidoo kale waxaa Iley lagu tilmaamayaa haddey dagaal tagto inuu yahay in si fudud loo adeegsan karo.
Iley ayaa ah nin aysan Itoobiya waligeed helin isaga oo kale, waa ninkii u ooyay Milleszinawe markii uu dhintay isagoo ku qeylinayay “Milles ma dhimanin, aabihii dimuqraadiyadda ayuu ahaa” iyo erayo kale oo lamid ah.
Ninkan ayaa ah hirgeliyihii xabsiga Jeel Ogaadeen kaasoo lagu gumaaday kumannaan qof oo Soomaali ah laguna naafeeyay kunannaan kale.
Mudadii uu ku xirnaa xabsiga Adisababa waxaa loo heystay Kaniisadihii ay shacabku ku gubeen magaalada Jigjiga xilligii uu kacdoonku socday iyo mucaaradnimadii uu sameeyay, hase ahaatee marnaba looma qabsan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.
Maxkamadda Itoobiya ayaa laashay dacwadiisa kadib markii uu Abiy Axmad u gudbiyay dalabkaas si loo sii daayo. Mudadii uu jeelka ku xirnaa waxaa aad u yaraaday dagaaladii qabaa’ilka iyo xadgudubyada.