Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa ku waramaya in ku dhawaad 10 ruux ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen shil gaari oo ka dhacay mid kamid ah magaalooyinka ku yaalla dalkaas.
Illaa 3 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen, 5 kalena ay ku dhaawacmeen shilkaan oo ka dhacay magaalada Tadjoura ee dalka Jabuuti.
Shilka ayaa yimid kadib markii gaari gaari ay saarnaayeen 10 ruux uu ka baxay wadada, taas oo keentay iney dhintaan 3-daan ruux oo uu ku jiray darawalka gaariga, islamarkaana ay dhaawacmaan 5 kale.
Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa loo qaada 5-ta ruux ee ku dhaawacantay shilkaan gaari.
Gaariga shilka galay oo nuuciisu ahaa kuwa raaxada ayaa ka yimid gobalka Obec ee dalka Jabuuti, waxaana saarnaa 10 ruux oo rakaab ah.
Wadooyinka mara goballada woqooyi ee dalka Jabuuti ayaa lasoo warinayaa iney yihiin kuwa ku teedsan dhul buuraley ah, taas oo halis galin karta gaadiidka isticmaasha wadooyinka ku yaalla goballadaas.