HomeAll newsXasan Sheekh oo Safarkiisii 5aad Ku Tagay Kenya 2 Bilood Gudahood.

Xasan Sheekh oo Safarkiisii 5aad Ku Tagay Kenya 2 Bilood Gudahood.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii shalay safar kale abbaare barqadii ugu bakhoolay wadanka Kenya shirka Bangiga Afrika oo looga hadlayay dhaqaalaha.

Safarkan ayaa ah kii labaad oo uu muddo 10 maalmood gudahood ah ku tago wadanka Kenya, marka si guud ahaaneed loo eegana waa safarkii shanaad oo uu muddo laba bilood ah ku gaaro caasimadda dalkaas ee Nairobi.

Marka laga yimaado badnaanshaha safarrada Xasan Sheekh ee Kenya, haddana waxaa kasii yaab badan sida ay isugu dhowyihiin. Bishii April oo kaliya wuxuu sidoo kale Kenya u safray muddo laba goor ah.

Kenya waxaa kale oo isna maalinkii shalay u dhoofay gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Aadan Madoobe isagoo kireystay diyaarad kale oo khaas ah. Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu ka qeyb galayo kulan ay isugu imanayaan gudoomiyaasha Baarlamaanada wadamada la baxay dalladda bariga Afrika ee (EAC).

Safarrada shanta ah ee uu Xasan Sheekh ku aaday wadanka Kenya ayaa u lala horreeya sida tan:

18 May 2024: Xasan Sheekh ayaa ka degay magaalada Nairobi, socdaalkan ayaan faahfaahin badan laga bixin, marka laga reebo in isaga iyo Ruto ay ka wada hadleen bixitaanka ATMIS.

28 April 2024 – Xasan Sheekh ayaa halkaas u tagay shir ay isugu imanayeen qaar kamid ah madaxweynayaasha Afrika oo dhaqaalaha looga hadlayay.

11 April, 2024 Xasan Sheekh ayaa safar aan la faahfaahin ku tagay Kenya kadib markii looga yeeray halkaas, balse xogta ayaa sheegeysa in lagala hadlayay in canshuurta laga dhimo qaadka Kenya ee Muqdisho la geeyo.

28 Febraayo 28, 2024: Xasan Sheekh ayaa safarkiisii shanaad ku tagay Nairobi isagoo ka qeyb galay shir la sheegay in looga hadlayay waxa la yiraahdo isbadalka cimilada.

Dhammaan safarradan waxaa ku baxay lacag ku dhow 3 milyan oo doolar sida ay sheegayaan siyaasiyiinta xog ogaalka ah qaarkood, waxaana ku jira safarro badan oo laga baaqsan karay oo aan muhiim ahayn sida safarkii uu Ruto kala hadlayay qaadka iyo in canshuurta laga daayo.

Bulshada wadanka Kenya iyo Bulshada Soomaalida ayaad moodaa inuu farqi u dhaxeeyo marka loo eego safarrada labada madaxweyne. Bulshada wadanka Kenya waxay gilgileen wadanka oo dhan kadib markii William Ruto uu safarkiisii Mareykanka dhaqaale badan ku bixiyay, halka aad arkeyso in bulshada Soomaaliyeed aaney ka hadleyn ku takri falka dhaqaalahooda ee madaxda DF iyo dhibaatooyin masiiri ah oo intaas ka ballaaran oo ka jira wadanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular