Wararka ka imaanaya dalka Burkinafaso ee dhaca Saxaraha iyo Saaxilka Africa ayaa ku waramaya, in Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ay markale fuliyeen weerar lagu dilay askar katirsan xukuumadda dalkaas.
Weerarkaan oo ahaa mid cagmarin ah ayaa waxay Mujaahidiintu ku qaadeen bar koontarool oo ay askarta xukuumadda Burkunafaso ku leeyihiin degaanka Maani oo dhaca gobalka Kaya ee gudaha Buriknafaso.
War kasoo baxay Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin, islamarkaana ay baahisay Mu’assasada Az-Zallaaqah ayaa looga hadlay, khasaaraha ka dhashay weerarkaan cagta lagu mariyay barta koontarool ee ay askartu ku sugnaayeen.
Ugu yaraan 12 askari oo kamid ah ciidankii ku sugnaa goobta ayaa lagu dilay weerarkaan ay Mujaahidiintu fuliyeen, iyadoona laga furtay 11 qori oo AK-47 ah.
Illaa 15 Mooto oo ay lahaayeen askarta xukuumadda Burkinafaso ayay sidoo kale gacanta ku dhigeen ciidamada Mujaahidiinta, iyo bastoolad uu watay mid kamid ah askarta la dilay.
Isla maalintaas waxay mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin fuliyeen weerar kale oo lagu qaaday xarun ay ku sugnaayeen askarta xukuumadda Burkinafaso.
Weerarkaan waxaa lagu dilay ugu yaraan hal askari, iyadoona lagaa furtay qori AK-47 ah oo uu ku hubeysnaa, waxay sidoo kale Mujaahidiintu furteen Mooto xerada utiillay askarta la weeraray.
Mujaahidiinta Al-Qaacida ee galbeedka Africa ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan wadamada dhaca Mandiqadda, si gaar ah Maali iyo Burkinafaso, dhawaan ayayna aheyd markii weerar xooggan oo ka dhacay dalka Niger lagu dilay ugu yaraan 41 askari, halka gacanta lagu dhigay 6 askari oo maxaabiis ah.