Buugaagta ay ardaydu wax ku bartaan ee dalka Sucuudiga ayaa dib loo daabacay iyadoo laga soo tiray qariidada wadanka Falastiin, waxaana sawirka qariidada laga dhigay meel furan oo bannaan.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay aad u kordhayaan hadallada soo dhaweynta iyo kalgacalka loogu muujinayo Yahuuda ee kasoo yeeraya maamulka reer Aala sucuud.
Sidoo kale maamulkan ayaa manhajka ka saaray erayada muujinaya xumaanta Yahuuda iyagoo doonaya in jiilka soo koraya ee Sucuudiga laga dhigo jiil damiir la’aan ah oo aan kala xigsanayn Yahuuda iyo Muslimiinta reer Falastiin.
Dadka ka faallooday tallaabada ay boqortooyada Riyaad qaaday ayaa sheegaya in ay tusineyso liidnaanta iyo diin ka fogaanshaha maamulkaas marka loo eego xilliga uu kusoo beegay oo ah waqti si daran loo gumaadayo walaalaheen Muslimiinta ah ee Falastiin.
Maamulka Aala Sucuud ayaa doonaya inuu dowlad rasmi ah u aqoonsado Yahuuda xilliyada soo aadan kadib markii uu xabsiyada ku guray badi dadkii damiirka lahaa oo ay kumannaan culimo ah ugu horreeyaan.
Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in badalka Manhajka uu gacan ka siiyay machad ay Yahuudu leeyihiin oo lagu magacaabo Machadka IMPACT oo ah hay’ad lagu sheegay iney qaabilsan tahay cilmi-baarista.