Taliska dhexe ee ciidmada Mareykanka ayaa mar kale shaaca ka qaaday iney soo rideen illaa 5 diyaaradood oo Drone ah, kuwaas oo ay leeyihiin Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, laguna soo riday manaadiq ay kooxda gacanta ku heyso oo ku teedsan xeebaha Badda Cas, Xilli Xuuthiyiintu ay beegsadeen Markab ganacsi, iyadoo sidoo duqeymo lagu garaacay magaalo xeebeedka Al-Xudeydah ee galbeedka Yeman.
Taliska ayaa bayaan uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay “X” horayna loo oran jiray Twitter ku sheegay, in ciidamadooda ay usuura gashay burburinta illaa 5 diyaaradood oo kuwa Drone-ka ah oo ay leeyihiin Maleeshuyaadka Xuuthiyiinta, kuwaas oo ay kusoo rideen xeebaha Badda Cas.
Waxaa sidoo kale warka lagu sheegay, in maalintii shalay ay kooxdu illaa 5 gantaal oo nuuca balaastiigga ah ay kusoo weeraraeen xeebaha Badda Cas, kuwaas oo 3 kamid ah ay heleeleen Markab gaacsi oo laga leeyahay dalka Giriiga, kaas oo ay soo gaartaay waxyeello kala duwan.
Bayaanka kasoo baxay taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa intaasi raaciyay, in aysan wax dhibaato ah soo gaarin Maraakiibka Mareykanka ama xittaa kuwa isbaheysiga ay horboodeyso xukuumadda Washington ee ku sugan Mandiqadda.
Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Ingariiska ayaa dhankeeda shalay baahisay, in markab siday badaceedo kala duwan lagu weeraray Xeebaha dalka Yeman, kaas oo ay sheegtay in lala beegsaday dhowr gantaal, balse gantaalki labaad uu waxyeello ugeystay Markabka.
Ilo wareedyo ka tirsan waaxda amniga badda iyo socdaalka ayaa tilmaamay, in markabkan oo lagu magacaabo LAX laga leeyahay dalka Giriiga, islamarkaana uu ka babanayay calanka jasiiradaha Marshall.
Hey’addaan fadhigeedu yahay dalka Ingariiska ayaa sidoo kale sheegtay, in dhammaan howl-wadeennada Markabka aysan wax dhibaato ah soo gaarin, islamarkaana ay sii wateen socdaalkooda, waxaana wararku ay tibaaxayaaan in gantaallada waxyeellada gaaarsiiyay markabkaan laga soo tuuray meel 33 Mile ujirta xeebaha woqooyi-galbeed ee magaalada Mukha ee dalka Yeman.
Kol sii horreysay ayay sidoo kale aheyd markii hey’adda amniga badaha ee Ingariiska ee Ambry shaaca ka qaaday, in lasoo gaarsiiyay dalab gurmad dalbasho ah oo ka yimid Markabkaan la weeraray, waxaana ay intaa ku dartay in waxyeello ay soo gaartay qeybta keydka ee Markabka.
Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa dhanka kale maalintii shalay sheegay, in diyaaradaha Mareykanka iyo Ingariiska ay duqeymo ka fuliyeen Mandiqadda Al-Jabaanah ee ku taalla magaalada Al-Xudeydah ee dalka Yeman, igaoo aan shaacin khasaaraha ka dhashay duqeymaha.
Sidoo kale majiro wax war ah oo lasoo baxay dowladaha Mareykanka iyo Ingariiska oo ku aaddan duqeyntaan lagu eedeeyay iney iyagu fuliyeen, Mandiqadda Al-Jabaanah ee ay duqeyntu ka dhacday ayaana waxaa ku yaalla saldhig ay leeyihiin ciidanka cirka ee Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.