Xili Atmis lagu wado in Soomaaliya ay kala baxdo ciidamadeeda oo muddo ka howlgalayay ayaa waxaa soo baxaya walaac isa soo taraya oo ku saabsan bixitaanka Atmis iyo Masiirka Dowladda Federaalka.
Cabdisalaam Guuleed oo soo noqday Taliyaha Sirdoonka dowladda ayaa muujiyay walaac ka muujiyay bixitaanka Atmis mar wax laga weydiiyay hadalkii madaxweynaha Kenya ee ahaa in dalka ay sida daalibaan ula wareegayaan Xarakada Alshabaab.
Cabdisalaam ayaa xusay in dowladda federaalka aysan awoodin inay la wareegto goobaha ay baneeynayaan Ciidamada shisheeyaha ee Atmis.
“Soomaaliya iskuma filna, bixtaanka Atmisna waa qatar weyn oo ay inkireyso dowladda balse dowladaha daneeya Arrimaha Soomaaliya wey ujeedaan qatarta kasoo socota Soomaaliya”ayuu yiri Cabdisalaam isagoo dowladaha shisheeye ku dhaliilay inay ka gaabiyaan is garab istaaga dowladda federaalka.
“Soomaaliya inay noqoto Afgaanistaan oo kale waa suura gal maxaa yeelay ciidanka dowlada kuma filna inuu difaacdo meelaha ay ka baxeen Atmis“ayuu yiri Taliyihii Hore sirdoonka DF.
Wareysiga ayuu sidoo kale ku soo hadal qaaday awooda ciidamada Alshabaab iyo halka uu ku danbeeyay dagaalkii laba sanno ka hor lagu qaaday Alshabaab.
“Sanadkii lasoo dhaafay waxbaan ka qorayay Arrimaha Soomaaliya waxaana muujinayay in Dhamaadka Sanadkaan iyo horaanta sanadka soo socda ay Alshabaab qabsan doonto meello badan oo Soomaaliya katirsan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay isagoo qiray in Alshabaab ay dib isku soo abaabuleen oo ay qabsadeen dhulkii looga qabsaday dagaalka uu ku dhawaaqay Xasan sheekh