HomeUncategorizedMillatariga Suudaan oo Diiday Dalab Kaga Yimid Mareykanka oo ah Iney Wadahadal...

Millatariga Suudaan oo Diiday Dalab Kaga Yimid Mareykanka oo ah Iney Wadahadal la Furaan Kooxda RSF.

Taliska millatariga xukuumadda Suudaan ayaa gaashaanka uduruuray dalab ku’aaddan iney dib ugu laabtaan wadahadalladii nabadda ee ay la lahaayeen Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah, kadib wahada-hadal dhex maray hogaaamiyaha Suudaan C/fataax Al-Burhaan iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Anthony Blinken.

Kumannaan ruux ayaa dhimatay, halka in ka baadan 9 milyanna ay ku barakaceen dagaallada xooggan ee udhexeeya ciidamada millatariga Suudaan iyo Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah, waxaana muuqaneysa in labada dhinac aysan diyaar u’aheyn iney galaan wadahal lagu soo afjarayo colaadda.

“Marnaba ma’aadi doonno Jiddah, qofkii doonaya inaan sidaasi sameyno ugu horreyn waa inuu nagu laayaa dalkeennaa, kadiba uu lafaaheenna geeyo Jiddah” ayuu yiri Maalik Caqaar oo ah hogaamiyaaha koox fallaago ah oo horay udhisneyd, haddana ah ku xigeenkaa madaxa golahaa sare ee millatariga Suudaan.

Tani ayaa mugdi sii galineysa rajadii laga qabay in waan-waan la isugu keeno dhinacyada ku loollamaya dalka Suudaan ee dhibaatada ba’an ku haya dadka rayidka ah, xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada ka socda dalkaas, si gaar ah manaadiqda ku teedsan wqoooyiga caasimadda Suudaan ee Khartuum, iyadoo duqeymo diyaaradeed iyo kuwa madaafiic loo adeegsaday laga soo sheegayo degaannadaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Suudaan ayaa sheegtay, in Blinken uu hogaamiyaha Suudaan kala hadlay sida ay uhaboon tahay in lagu soo afjaro colaadda Suudaan, lana sii wado wada-hadallada ay dhexdhexaadiyayaasha ka yihiin Mareykanka iyo Sucuudiga ee ka socday magaalada Jiddah, kuwaas oo muddo  bil ah hakad ku jiray kadib markii lagu fashilmay in laga gaaro xabad joojin waarta.

Maalik Caqaar ayaa qoraal uu daabacay waxa uu ku sheegay, in shir madaxeed gaar ah ay xisbiyada siyaasadeed ee rayidka ah ee Suudaan ku yeelanayaan magaaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, kaas oo looga golleeyahay in meel looga soo wada jeesto hadafka lagu soo afjarayo dagaalka Suudaan.

Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ee uu Hogaamiyo Xamdaan Doqlo ayaa horey u sheegay inay diyaar u yihiin wada hadalada, balse labada dhinac ma aysan fulin balamihii ay horey u gaareen, taas oo cajzi galineysa in markale dib la isugu keeno, laguna qanciyo hishiis xabad joojin ah.

Azmada ugu weyn ee hadda ka taagan Suudaan ayaa ka jirta magaalada Al-Faashar oo ah caasimaadda gobalka woqooyi ee Daarfuur, waxaana dagaallada halkaasi ka socda tan iyo 10-kii bishaan May lagu dilay in ka badan 145 qof, halka ay ku barakaceen 3600 oo ruux, sida lagu sheegay tirakoobyo ay soo saareen waxa loogu yeero Qaramada Midoobey iyo hey’adda dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular