HomeAll newsDF oo Cod Daciif Ah Ku Sheegtay In Ciidanka Xabashidu Ka Baxayaan...

DF oo Cod Daciif Ah Ku Sheegtay In Ciidanka Xabashidu Ka Baxayaan Soomaaliya.

Xuseyn Macallin oo ah la taliyaha Xasan Sheekh ee dhanka ammaanka ayaa ka hor dhacay war maalmahan suuqa ku jiray oo siyaasiyiinta qaar sheegayeen kaasoo ahaa in Itoobiya ay qeybo kamid ah koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ciidamadeeda kala baxaysa iyadoo ku xumeeneysa Xasan Sheekh oo ah madaxweyne ay dowladdiisu ku tiirsan tahay shisheeyaha.

Xuseyn ayaa sheegay in Itoobiyaanka ay ka baxayaan magaalooyinka ay heystaan xilli uu rag saaxiibadiis ah kala qeyb galayay barnaamij x twitter oo su’aalo lagu weydiinayay.

DF ayaa aad uga walwalsan bixitaanka ciidanka ATMIS si gaar ah bixitaanka ciidaamda Itoobiya. Xasan Sheekh ayaa muddo 4 goor ah magaalada Adis-ababa u diray wafdi uu hogaaminayo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Balcad si ay Abiy Axmad uga dhaadhiciyaan inuu baajiyo bixinta ciidamadiisa.

Abiy Axmad ayaa wafdigan ka diiday codsiga uu lasoo diray Xasan Sheekh wuxuuna u sheegay inuu ciidankiisa ka saarayo hadba magaalooyinka uu u arko iney munaasab ku yihiin ka bixitaankooda.

SIdoo kale taliyaha ciidanka Itoobiya ayaa bil ka hor sheegay in boqolkiiba 60 awooda ay DF ku tiirsan tahay iney tahay tan itoobiya.

Itoobiyaanka ayaa arka inaaney masaalixdooda ku jirin in ciidamadoodu ay sii joogaan Soomaaliya si aysan gumaad ugala kulmin XSHM oo ay u arkaan awood bilaha soo socda heleysa fursad ay ku baabi’in karto ciidan badan maadaama kumannaan ka tirsan ATMIS ay ka baxayaan wadanka bisha Juun ee soo socota.

La taliyaha amniga Xasan Sheekh waxaa kale oo uu muujiyay in ay ku hungoobeen ciidanka ATMIS labadii sano ee lasoo dhaafay kuwaasoo uu tilmaamay iney xeryahooda kasii bixi waayeen islamarkaana ka baxeen ballan ay wada galeen oo ahayd in la dagaal galaan askarta DF.

DF ayaa ka walwal qabta masiirkeeda, khudbadaha ay jeedinayaan madaxda DF kana waxaa laga dareemayaa niyad jab aad u weyn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular