HomeAll newsQaramada Midoobay Oo Ku Dhawaaqday Soo Afjaridda Howlgalkeeda Ciraaq.

Qaramada Midoobay Oo Ku Dhawaaqday Soo Afjaridda Howlgalkeeda Ciraaq. [WARBIXIN]

Dalka Ciraaq ee muslimka ah waxa uu kamid yahay wadamada marti geliyay duullaanka cadowtooyo ee uu Maraykanku horboodayo ee wixii ka dambeeyay weeraradii 11 September 2001-ka ka dhacay qeybo kamid ah caalamka Islaamka, siiba AFqaanitaan, Ciraaq, Soomaaliya iyo Yemen.

Sanadkii 2003-da ayaa isbaheysi milliteri ay hogaamineyso xukuumadda Washington waxay duullaan gardarro ah ku qaaday dalka Ciraaq, iyadoo ku andacooneysa in madaxweynihii xilligaas ee nidaamka bacthiga Saddaam Xuseen uu heysto hubka wax gumaada ee nuclearka, wada shaqeyn iyo xiriir hoosena la leeyahay ururweynaha jihaadiga ah ee Al-Qaacida.

Tuhmadan iyo eedan oo markii dambe inaaney xaqiiqo ahayn oo waxba kama jiraan tahay qireen madaxda Maraykanka ayaa horseeday in dalkan uu galo gumeysi soo jiitamayay tobanaan sano, oo ay u dheertahay in dadkiisa la gumaado, heer go’doonkii Maraykanak ee Ciraaq ay ku shahiideen ugu yarana 2 milyan oo caruur Ciraaqiyiin ah.

Maraykanka iyo xulafadiisa waxaa dalkan ku wajahay dagaallo adag oo iska caabin ah oo uga yimid reer Ciraaq oo ay horboodayaan Jamaacaadkii jihaadiga ee ay hogaaminayaan hogaamiyaasha ay kamid yihiin sheikh Abuu Muscab Az-Zarqaawi iyo sheikh Abuu Cumar Al-Baqdaadi.

Sanadkii 2011-ka, dowladda Maraykanka ayaa sheegtay iney soo afjartay duullaankeekdii dalka Ciraaq, iyadoo dhabarka ku wato culeesyada haziimada iyo xaqiijin la’aanta ahdaaftii duullaanka, marka laga reebo in reer Ciraaq ay uga tagtay raadadka nabar ay adagtahay inuu si dhow ku reysto.

Qaramada Midoobay oo ah urur uu majaraha u hayo Maraykanka, una adeegsado sharciyeynta duullaanadiisa bahalnimada ah iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah muslimiinta iyo xitaa mustadcafiinta kale ee kunool dunida, ayaa markii uu dalka Ciraaq gacanta gumeysiga waxay iyaduna kaga dhawaaqday howlgal boor qarin ah oo ay ku sheegeyso iney ku caawineyso reer Ciraaq, kuna dhiseyso tiirarka nidaam dimuqraadi ah.

Tan iyo 2003-da, waxaa dalka Ciraaq ka furnaa xafiisyada howlgalka Qaramada Midoobay, ee magaciisa loo soo gaabiyo YUNAMI, waxaana iyagoo garab iyo wakiilba u ah Maraykanka ay dalkaasi ka wadeen howlgallo kala duwan oo isuga jira kuwa milltieri, kuwa dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo lagu beegsanayo muslimiinta, hogaanka dalkana gacanta loogu gelinayo aqalliyada Shiicada ah ee hadda maamusha xukuumadda Rawaafidda Ciraaq.

Laakiin kudhawaad 20 sano kadib oo uu howlgalka Qaramada Midoobay ee Ciraaq ku howlanaa tallaabooyin gurracan, waxaa iminka u muuqaneysa iney ku guuleysteen ajandayaashooda ay ugu weyneyd in la curyaamiyo Ahlu Sunnaha Ciraaq, taladana loo dhiibo shiicada, sidaasi darteed waxay ku dhawaaqeen in dhawaan lasoo afjari doono guud ahaa howlgalka, xafiisyada howlgalka Yunamina albaabada la isugu dhufan doono.

Warbixin- Howlgalka Qaramada Midoobay ee Ciraaq

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular