HomeAll newsWakaaladda Reuters: Arday La Duubnaa Reer Qazza Oo Lagu Xiray Masar.

Wakaaladda Reuters: Arday La Duubnaa Reer Qazza Oo Lagu Xiray Masar.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa warbixin ay daabacday waxay ku sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalka Masar ay xabsiga u taxaabeen tobanaan ruux oo masaari ah, kuwaasoo qorsheynayay iney dalka ka dhigana dibadbaxyo lagu taageerayo reer Qazza, loogana soo horjeedo duulaanka gardarada ah ee maamulka Yahuudda.

Dadka xabsiyada la dhigay ayaa tiradoodu waxay gaareysaa inkabadan 100 ruux, sida ay sheegtay hay’ad madax banaan oo arimaha xuquuqda Aadanaha ka shaqeysa oo fadhigeedu yahay magaalada Al-Qaahira, tobanaan kamid ah dadka xabsiyada la dhigey ayaana kamid ah ardeyda jaamacadaha iyo iskuullada.

Dadka qaar ee xabsiyada la dhigay ayaa loo heystaa iney banaanbaxyo iyo isku imaatin ka dhigeen goobo aan horey loogu fasixin oo ay kamid tahay fagaaraha At-Taxriir, taasoo uu nidamka Siisi u arko mid halis ku ah jiritaankiisa.

Nabiih Al-Janaadi, oo ah xubin katirsan waxa loogu yeero looyarada ama qareennada ayaa tilmaamaya in ardeyda xabsiyada la dhigay ay kamid yihiin 3 arday oo la xiray bisha May, kuwaasoo ku howlanaa aas-aaska ardey u ololeya qadiyadda Filastiin, waxaana ardeydaasi kamid ah ardey lagu magacaabo Ziyaad oo oo 22 sano jir ah, oo ardey ka ahaa akadeemiyadda Fanka.

Hooyada dhashey wiilkan oo lagu magacaabo Faayiza Handaawi ayaa tilmaamtay in 40 askari oo katirsan ciidamada ammaanka ay subaxnimadii 09ka May soo weerareen gurigooda, ayna qafaasheen wiilkeeda oo lagu magacaabo Ziyaad.

Tan iyo bishii Octobar ee sanadkii hore, wixii ka dambeeyay markii ciidamada Yahuudda kusoo duuleen marinka Qazza, waxaa dalka Masar uu kamid ahaa dalalka isha lagu hayo, oo la filayay iney dadkoodu kacdoomi doonaan, ama xitaa ugu yaraan xoog kaga gudbi doonaan xadka.

Laakiin laamaha kala duwan ee ciidamada ammaanak dalka Masar iyo xitaa kuwa milliteriga ayaa xooga isugu geeyay sidii loo dhiciseyn lahaa isku day weliba oo bananabax ah, waxaana keliya dhacay bananabaxyo kooban oo uu ogolaadya nidaamka Siisi, si xoogaa loo dejiyo carada dadka.

Wakaaladda wararka ee Reuters waxay tilmaamtay iney la xiriirtay hay’ado kala duwan oo katirsan nidaamka Siisi, sida wasaaradda arimaha gudaha, si ay wax uga weydiiso arinta la xiriirta dadka lagu xirxiray dalka Masar, laakiin dhamaan masuuliyiinta ay wakaaladdu la hadashey way ka gaabsadeen iney wax jawaab ah ka bixiyaan arinkaas, taasoo muujineysa in nidaamka Siisi doonayo inuu qariyo xog kasta oo ku saabsan maxaabiista loo xiray iney taageero afka ah u muujiyeen muslimiinta bishii 8aad oo xiriir ah lagu gumaadayo Jiidda Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular