Waxaa goordhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ka dhacay weerar lagu qaaday guriga uu magaaladaasi ka deganyahay mid kamid ah wasiirada maamulka Koonfur galbeed.
Guriga wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee maamulka Koonfur galbeed Iimaan Cali Cabdi oo ku yaala xaafadda Buulo-Jameeco ee magaalada Baydhabo ayaa rag hubeysan oo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab katirsan waxay ku qaadeen weerar qaraxyo loo adeegsaday.
Mid kamid ah ilaalada wasiirka ayaa ku dhaawacmay weerarka, iyadoo uu burbur xoogan gaaray guriga.