HomeAll newsShiinaha Oo Ku Goodiyay Cagmarinta Taiwan Haddii ay Gooni Isku Taagto.

Shiinaha Oo Ku Goodiyay Cagmarinta Taiwan Haddii ay Gooni Isku Taagto.

Dowladda Shiinaha ayaa markale ku celisay inaaney ogolaan doonin in jaziiradda Taiwan ay noqoto jamhuuriyad iskeeda u madax banaan oo ka go’an dalka intiisa kale, hadalkan ayaana lagu micneeyay kii ugu dambeeyay oo dhiilladiisa wata oo kasoo baxa dowladda shuuciyadda ee Shiinaha.

Wasiirka difaaca ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in fursadaha nabadeed ee Taiwan iyo Shiinuhu ku midoobi lahaayeen ay marba marka kasii dambeysa sii dhamaanayaan, ciidanka Shiinahana uu diyaar u yahay inuu awood adeegsado si looga hortago in Taiwan ay ka madax banaanaato dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadal uu ka jeediyay wasiirka difaaca Shiinaha muntadaha sanadlaha ee amniga ee ka dhacaya Sangabuur maanta oo Axad ah ayuu ku sheegay in qadiyadda la xiriirta jaziiradda Taiwan ay dalkiisa uga dhigantahay mid muhiim ah, laakiin xisbiga horumarka dimuqraadiyadda ee Taiwan uu u xusul duubayo sidii jaziiradda ay noqon lahayd dhul ka madax banaan Shiinaha.

“ Waxay kooxahan gooni u goosadka ah Dhawan jeediyeen hadallo muujinaya iney khiyaaneen umadda Shiinaha iyo awooweyaashooda, Shiinaha wuxuu xooga saari doonaa sidii loo gaari lahaa midnimo nabad ku timid, laakiin kooxaha gooni u goosadka iyo awoodaha ajnabiga ayaa arinkaas diidan, howshuna waxay isugu biyo shuban doontaa tallaab milliteri” ayuu yiri wasiirka arimaha dagaalka ee dalka Shiinaha.

Isagoo sii hadlaya wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “ weligeenaba waxaan u fur furneyn wadahadalka iyo iskaashiga, waxayna tani nooga baahantahay in labada dhiancba ay bartamaha isugu yimaadaan”.

Wasiirka difaaca ee dalka Shiinaha ayaa hadalkan jeediyay saacado kadib markii kulan gaar ah uu muntadaha amniga ee Sangabuur kula yeeshey dhigiisa dalka Maraykanka, kulankaas oo socday inkabadan hal saac oo xiriir ah.

Khubarada ka faallooda arimaha siyaasadda iyo amniga ayaa tilmaamaya in shirka sanadlaha ah ee lagu gorfeeyo arimaha amniga ee ka dhaca Sangabuur uu yahay kulan lagu qiimeeyo halka uu gaarsiisanyahay xiriirka ka dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha oo ah laba awoodood oo ku loolamaya hogaaminta dunida.

Todobaad kahor inta aanu furmin muntadahan, ciidamada dalka Shiinaha ayaa sameeyay dhoolatus milliteri oo ballaaran, kaasoo ay ciidamada Shiinaha ku muujiyeen sida ay awood ugu leeyihiin iney hareereeyaan jaziiradda Taiwan oo u xusul duubeysa iney ka go’do dalka Shiinaha intiisa kale.

Dowladda Shiinaha ayaa ka digtay tallaabo weliba oo keeneysa in jaziiradda Taiwan ay ka go’do dalkeeda, iyadoo arinkaasi ku tilmaamtay mid ay kaga jawaabi doonto tallaabo milliteri.

Hadalka iyoi goodiska dowladda Shiinaha ayaa yimid markii doorashada madaxtinimada ee Taiwan uu kusoo baxay shakhsiyad aad ugu ololeysa ka go’itaanka Shiinaha, oo xiriir wanaagsan la leh dowladda Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular