HomeAll newsCiidamada Nuseyriyada Oo Xalab Ku Dilay Caruur Muslimiin ah.

Ciidamada Nuseyriyada Oo Xalab Ku Dilay Caruur Muslimiin ah.

Ciidamada nidaamka Nuseyriyada dalka Suuriya ayaa weerar ka geystay deegaan lagu magacaabo Waasidha oo dhacda galbeedka magaalada Xalab ee wuqooyiga dalka Suuriya.

Weerarka waxaa geystay malleeshiyaad katirsan Nuseyriyada iyo kuwa shiicada Iiraan oo isgarabsanaya, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Anaadool, waxaana weerarku dhaliyay khasaare kala duwan.

Sida ay sheegeen kooxaha difaaca madaniga, waxaa weerarka ku dhintay ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah, kuwaasoo 2 kamid ah caruur ahaayeen, dalka Suuriya ayaana kamid ah goobaha ugu badan ee lagu daadinayo dhiiga dadka muslimiinta.

Tan iyo sanadkii 2011-ka oo uu dalkaasi ka qarxay bananabax isku bedely kacdoon Jihaadi ah oo lagu diidanyahay Nuseyriyada, waxay muslimiinta Suuriya wajahayaan gumaad wuxuuhnimo ah oo ay isku kaashanayaan Nuseyriyada, Shiicada Rawaafidda ee ay hogaamineyso Iiraan iyo dowladda Ruushka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular