Dalka Liibiya waxaa uu kamid yahay dalalka carbeed ee dhaca qaaradda Afrika, kaasoo sanadkii 2011-ka marti geliyay bananabaxyadii guga carbeed ee shucuubtu ku dalbanayeen in isbedel lagu sameeyo xukaamtooda.
Reer Liibiya ayaa ku guuleystay in si fudud ay isaga dul qaadeen keligii taliyihii ku taami jiray inuu noqdo boqorka Afrika ee Al-Qadaafi, iyagoo weliba xaqiijiyay guul aaney shucuubtii iyaga lamidka ahayd xaqiijin, taasoo ahayd iney dhegta dhiiga u dareen Qadaafi oo ay reer Liibiya uga qisaaseen jaraa’imtii uu horey u geystay.
Maadaama uu dalkan leeyahay ahmiyad juqraafi oo aan qarsooneyn, laguna tiriyo albaabada laga geli karo Yurub, waxay reer galbeedka oo adeegsanaya dowladaha mandiqadda iyo kuwa carabta ay maleegeen shirqooollo kala duwan oo lagu dhicisaynayo rabitaanka shacabka ee ahaa isku xukunka Shareecada Islaamka.
Durbadiiba waxaa dalka laga aas-aasay malleeshiyaad hubeysan oo helaya taageero nooc weliba ah, dagaal oogaha lagu magacaabo Xaftar oo kamid ahaa jeneraalladii ciidanka Al-Qadaafi ayaa durba abaabuley malleeshiyaad hubeysan, kuwaasoo isku fidiyay deegaanno iyo magaalooyin muhiim ah oo u badan bariga dalka.
Dagaal oogahan oo helayay taageerada Maraykanka, Faransiiska iyo dowladaha Carabta sida Imaaraatka ayaa ku kacay xasuuqyo argagax badan oo shabaha kuwii uu geystey rajiimkii Qadaafi, waxaana uu xoogiisa ugu weyn isugu geeyay sidii uu u dhiciseyn lahaa isku dayadii ay horboodayeen jamaacaadka Jihaadiga ee la doonayay in maamul islaami ah looga hirgeliyo dalka.
Sanado uu ahaa nin u dhega furan reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka iyo Faransiiska, wuxuu Khaliifa Xaftar markii dambe xiriir la sameystay dowladda Ruushka ee siyaasad ahaan is diidanyihiin reer galbeedka, Maraykankana kula loolameyso ku amar taagleynta dunida.
Tani waxay keentay in saameyntii Maraykanka ee dalka Liibiya ay hoos u dhacdo, Ruushkana uu noqdo laacib asaasi ah oo reer galbeedka uga tabar roonaaday dalka, warbixin ay daabacday majallada ka faalloota arimaha sirdoonka ee Afrika Intilligence ayaana ciwaan looga dhigtay sidaas.
Dowladda Ruushka ayaa xoojisay wujeedkeeda bariga iyo koonfurta dalka Liibiya, iyadoo taageero milliteri siineysa dagaal oogaha lagu magacaabo Khaliifa Xaftar, si lamid ahna waxay xiriir diblumaasiyadeed la sameystay xukuumadda Dharaabulis ee galbeedka dalka kajirta, dowladaha caalamkana ay aqoonsanyihiin.
Sidaas ayuu Ruushka uga guuleystay siyaasaddii Maraykanka ee ku wajahneyd Afrika, labada dhinac ee ku tartameysa hogaaminta dalka Liibiya ayayna xukuumadda Moskow mid weliba la macaamileysaa, iyadoo ka fiirsaneysa
Dhagayso Warbixin Loollanka_Ruushka_iyo_Maraykanka_ee Liibiya