Xog dheeraad ah oo aan ka heleyno ilo madax bannaan ayaa xaqiijineysa in ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay gabi ahaanba la wareegeen magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Wararka naga soo gaaraya halkaas ayaa sheegaya in dagaalka askar badan looga dilay dowladda, walow aanan wali helin inta ay wadartoodu gaarsiisan tahay, sidoo kale waxaa jira in hub iyo gaadiid ay dagaalkan ku furteen milatariga Xarakada Al-Shabaab.
Dadka deggan tuulooyinka hoos yimaada Ceeldheer ayaa sheegaya in uu u muudo dagaalka mid istaagay, waxayna qaarkood noo sheegeen in saaka ay maqleen jug aad u culus.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa la wareegay gaadiid cusub oo kamid ah kuwa gaashaaman oo dhawaan lasoo siiyay ciidamada DF.
Waxaa la sugayaa xogo dheeraad ah oo uu ballan qaaday taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo wixii ay ka tiraahdo dhacdadan DF.