War saxafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu faafaahiyay khasaaraha ka dhashey dagaalkii cuslaa ee saaka ka dhacay degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay shaaca ka qaaday in dagaalkii Ceel-dheer ay ku dishey 59 askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka, iyo dhaawaca tiro kale, waxaana dhimashada kamid ah saraakiil sar sare oo hogaamineysay ciidamada lagu weeraray Ceel-dheer.
Marka laga yimaado khasaaraha, waxay Al-Shabaab sheegatay iney maxaabiis nool ay gacanta ku dhigtay, kuwaasoo katirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugnaa magaalada Ceel-Dheer.
Gawaari gaashaman oo ay ku jiraan cabdi bilayaasha qoriyaasha ku rakibanyihiin ayaa kamid ah saanadaha hubka ee ay dagaalkani ku furteen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.