Qaaradda Yurub ayaa kusii socota burubr iyo baaba’ ku yimid iney marba marka ka dambeysa kasii fogaanayaan fidhrada saliimka ah uu Allaah ku abuuray basharka, taasoo suurogelineysa sii socoshada taranka dadka iyo jiritaanka bulshooyinka.
Magaalooyin dhowr ah oo ku yaala wuqooygia dalka Talyaaniga, da’da meel dhexaadka ah ee dadka halkaas ku nool waa 60 sano, waana tusaale muujinaya gabownimada Yurub, oo horseedi doonta in la waayo tanfiirta dadkan.
Sida uu dhawaan baahiyay xarunta Tirakoobyada ee dalka Talyaaniga, shirkado iyo warshado ku yaala dalka Talyaaniga ayaa qorsheynaya iney albaabada isugu laabaan xarumahooda ganacsi, sababo ku aadan iyagoo aan heysan shaqaalo dhalinyaro ah oo qabta howlaha muhiimka ah.
Burburkan Dimuqraafiga ah ee saameynaya tarkiibada dhulka, sida uu tilmaamyao wargeyska Lofigaro ee kasoo baxa dalka Faransiiska, ma ahan sababaha keenay dibudhac xaga aqoonta ah ama dhibaato dhaqaale, balse waxa ugu weyn ee dhaliyay waa iyadoo qaaradda Yurub ay ku faafeen afkaar ka hor imaaneysa fidhrada Aadanaha, sida dadka isku jinsiga ah ee wax iska daya, taasoo dad badan ka hor istaagtay fidharadii guurka.
Waxaa sidoo kale afkaaraatka shaadka iyo habdhaqannada liita ee ku faafay Yurub, kuwaasoo hadda ay ka qeyla dhaaminayaan intooda garaadka uu ku dambeeyo, fikirka loogu yeero haweennimada, kaasoo dhiirogelinaya in haweeneydu isku taagto ninkeeda ama ay la tirsato, wuxuuna fikirkan qaqal geliyay nidaamka qoyska.
Sida lagu sheegay diraasad la baahiyay sanadkii 2020-ka oo ay qortay haweeney reer galbeedka, wuxu fikirka haweennimada dhulka la galay nidaamkii qoyska, isagoo la dagaallamay mafaahimtii qoyska, sida aabanimada, hooyanimada, guurka iyo xitaa lab iyo dhadignimada.
Dadka u ololeeya afkaarahan wax burburinaya ee mustaqbalka Yurub haadaanta ka tuuray, ayaa si muuqata waxay taageero uga heleen hay’ado katirsan Qaramada Midoobay iyo midowga Yurub, iyagoo kor u lulaya halkudhigyada xorriyada fardiga ee aaney jirin xuduud soo celisa.
Waxay hay’adahan reer galbeedka ah ee sheeganaya ilbaxnimada iyo aqoonta ay sidoo kale dhiirogeliyeen waxa loogu yeero sinnaanta ragga iyo dumarka, sida ay dirsaasaddu tilmaameysana, waxaaba intaas kasii daran in hay’adaha Qaramada Midoobay iyo midowga Yurub ay dhiirogelinayaan in aduunyada lagu baahiyo jinsi cusub oo bashari ah oo ah in hal qof uu rag iyo dumar isku ahaado, ama waxay Soomaalidu ugy yeerto labeebshaha, iyadoo la dhiirogelinaya cid weliba oo dooneysa iney jinsi cusub yeelato.
Tirakoobyada deegaanka ee kasoo baxaya dalalka qaaradda Yurub ayaa muujinaya in dowladahan ay billaabeen gurashada miraha qaraar ee ka dahshey afkaaraatkooda diin la’aanta ah oo xitaa ka hor imaanaya fidhrada, burburka qoysaska ayaana ku baahay qaaradda, iyadoo ay hoos u dhacday tirada dhalmada, taas caksigeedna waxaa kordhay dadka is dilaya.
Sida lagu baahiyay diraasad January 2024-ka uu baahiyay wargeyska Lofigaro ee kasoo baxa dalka Faransiiska, dowlado kamid ah Yurub oo ay ugu horeyso Talyaaniga ayaa hadda wajahaya burbur Dimuqraafig ah ama habdhiska deegaanka iyo dadka, iyadoo ay hoos u dheceen heerka dhalmada ee haweenka.
Talyaaniga oo kale, waxay diraasaddu sheegeysaa in celcelis ahaan haweeney weliba ay dhali karto hal canug, tanina waxaa ugu wacan iyadoo haweenku ay kasii jeedaan dhamada, ama dib u dhigaya, habdhaqankan ayayna haweenka Talyaanigu soo billaabeen todobaatameeyadii qarnigii tagay.