HomeAll newsGudoomiyii hore ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Oo Geeriyooday.

Gudoomiyii hore ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Oo Geeriyooday.

Maxa’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo horey usoo noqday gudoomiyaha baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa maanta ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Jawaari oo ku sugan hoygiisa ayaa lagu soo waramay inuu sara jooga ka dhacay, sidaasina uu durbadiisa ku geeriyooday.

Maxa’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo sidoo kale kamid ahaa xubnaha qoray dastuurka wadciga ah ee ay ku dhaqanto Dowladda Federaalka ayaa mar soo noqday gudoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna aad ugu ololeyn jiray in Shareecada Islaamka bedelkeed lagu dhaqmo dastuurka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud iyo xubno badan oo katirsan Dowladda Federaalka ayaa ka tacsiyeeyey geerida Jawaari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular