Xasan Sheekh Maxmuud oo ah madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa maanta booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteria.
Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey madaxweynaha dalka Ereteria Isaias Afwerki, iyadoo loo gabliyay xarunta madaxtooyada.
Illaa iyo hadda ma cada ujeedka rasmiga ah ee uu Xasan Sheekh u tagay dalka Ereteria, warbaahinta dalkaas ayaana sheegtay in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arimo danahooda quseeya.
Safarka madaxweynaha Dowladda Federaalka ee dhanka dibadda ayaa aad u kordhay waayadii u dambeysay, taasoo lagu tilmaamay mid aanu wax dan ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed, waxaana safarka Ereteria kadib lagu wadaa inuu ka qeybgalo kulanka Shiinaha iyo Afrika.