Sarkaal lagu magacaabo Cali Ridaa oo katirsan milliteriga dalka, gaar ahaan qeybta la dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada ayaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Karaaji ee koonfurta Pakistaan.
Saraakiil u hadlay booliiska magaalada waxay sheegeen in sarkaalka lagu dilay xaafadda Kariim Abaad ee Karaaji, dilkana ay geysteen rag hubeysan oo mooto ku socday.
Wuxuu ku lug lahaa weeraro ka dhan ah jamaacaadka Jihaadiga ee ka howlgala dalka Pakistaan, gaar ahaan xarakada Taliban Pakistaan, sida ay sheegeen saraakiil booliiska katirsan.
Saddexbii bishan ayay ahayd markii qarax ka dhacay gobolka Baajuur ee ay qabaa’ilku ku xooganyihiin lagu dilay xubin hore uga tirsanaa baarlamaanka dalka Pakistaan oo lagu magacaabo Hidaayatullahi Khaan iyo afar kamid ah ilaaladiisa.