Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay kooxo hubeysan oo burcad ah ay saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen ismaamul katirsan gudaha dalka Kenya, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Weerarkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay degaan dhaca woqooyiga ismaamulka Meru ee katirsan dalka Kenya, waxaana kooxaha weerarka soo qaaday ay sidoo kale dhac ka geysteen degaanka.
Iska hor-imaad saacado badan qaatay ayaa dhex maray dableyda hubeysan iyo dadka degaanka oo xoolo dhaqato ahaa, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 5 ruux oo Kenyan ah.
Mid kamid ah 5 ruux ee ku dhintay iska hor-imaadka ayaa ah sarkaal katirsan boliska dowladda Kenya, waxaana sidoo kale dhaawacmay dhowr qofood.
Gudoomiyaha dowladda Kenya ugu magacaaban degaanka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay, in dagaalkaan uu socday muddo 5 saacadood oo xiriir ah.
Waxa uu intaasi ku daray in burcadda weerarka soo qaaday ay sidoo kale la baxsadeen 159 neef oo ay lahaayeen xoola dhaqatada degaanka.
Dalka Kenya ayaa waxaa ku badan weerarada nuucaan ah ee ay geystaan burcadda hubeysan, xilli dalkaasi iminka ay ka jiraan fatqalado siyaasadeed oo ka dhashay lacago canshuur xaddhaad ah oo ay dowladdu kusoo rogtay shacabka Kenyanka.