Xukuumadda Washington ayaa soo gabagabeysay howlhalka inxisaabka ee ay ciidamadeedu uga baxayeen xarunta ciidamada cirka Niger ee magaalada Niyami ee caasimadda dalkaas.
Waxaa xigi doona in 15 bisha September ee soo socota ay ciidamada Americanka ah isaga insaxaabaan xerada Agadez ee ku taalla woqooyiga dalkaas, taas oo qeyb ka ah qorshaha uu Mareykanku uga dhamaanayo dalkaan dhaca galbeedka qaaradda Africa.
Wakaaladda Wararka ee Faransiiska ayaa sheegtay in ciidamo ay tiradoodu gaareyso 766 askari oo American ah ay illaa iyo haatan isaga baxeen dalka Niger, halka tirada guud ee askarta Americanka ah ee dalkaasi ku sugnaa lagu qiyaaso 950 illaa 1000 askari.
Inxisaabka ciidamada Mareykanka ayaa waxaa barbar socda saraakiil iyo askar katirsan dowladda Ruushka oo gaaraya saldhigyada iyo xarumaha ay banneeyeen ciidamada Mareykanka.