Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa xiriir khadka teleefanka ah la sameysay qaar kamid ah dadka ku nool tuulada Balow ee hoostagta deegaanka Bariire, halkaas oo gelinkii dambe ee maanta ay ciidamada Dowladda Federaalka duqeymo culus ku garaaceen.
Ehellada dadka ku dhintay duqeymaha ka dhacay Balow ayaa sheegay in dadka dhintay ay yihiin 5 caruur ah, halka ay dhaawacmeen hooyadii iyo aabihii dhalay caruurtaas.
Waxgaradka gobolka Shabeellaha Hoose iyo kuwa deegaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dheceen, waxaana ay tilmaameen in waxa loo beegsaday ay tahay in loo diidanyahay nabadda ay ku heleen ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Dhagayso Mid kamid ah ehellada dadkii lagu xasuuqay duleedka Bariire
Dhagayso Imisa madfac ayaa kusoo dhacay deegaanka?
Dhagayso Macallin Cabdullaahi- Nabadoonka beesha Eyle ee Afgooye
Dhagayso Suldaan Maxa’ed Mayow- afhayeenka Odayaasha Shabeellaha Hoose