HomeAll newsKanada Oo ay Kusoo Badanayaan Dhibaatada Loogu Geysanayo Soomaalida.

Kanada Oo ay Kusoo Badanayaan Dhibaatada Loogu Geysanayo Soomaalida. [DHAGAYSO]

Waxaa dalka Kanada ku badanaya dhibaatooyinka ka dhanka ah Soomaalida iyadoo dadka wadankaas lagu dilay ee Soomaaliyeed ay 300 oo qof tiradoodu sii dhaafayso.

Yuusuf waxa uu kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada, waxa uu ka warbixiyay dhibaatooyinka ay la nool yihiin dadka Soomaalida ah ee ku nool Canada si gaar ah magaalada Toronto.

Waxa uu sheegay in 300 oo dhalinyaro Soomaali ah lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada Sanadihii lasoo dhaafay, isagoona intaa ku daray in badi dadka ku jira jeelasha dalkaasi ay yihiin Soomaali.

Waxa uu kaloo ka dhawaajiyay in dalka Canada ay ku badan yihiin dadka Kirishtanka ah, taasna ay dhibaato adag ku heyso badqabka diineed ee caruurta iyo dadka waaweyn intaba.

Dadka ku tala jira iney soo aadaan wadamada reer-galbeedka ayuu ugu baaqay iney ka joogaan arrinkaas, ayna ku nagaadaan dalkooda.

Halkan ka dhagayso cabashada dhalinyarada Soomaalida ee Canada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular