Qaar kamid ah dadkii laga qaxiyay halka loo yaqaanno Damdamiska ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney wajahayaan dhibaatooyin xagga nolosha ah.
Waxa ay sheegeen in dhammaan wixii hanti ay lahaayeen lagu dul burburiyay guryihii ay ku noolaayeen, maantana ay taagan yihiin meel cidlo ah.
Ciidamada DF ayay tilmaameen in mudadii ay howlgalka burburinta ah ku guda jireen ay kala kulmeen jirdil iyo xadgudubyo kale, sidoo kalena ay dhaceen taleefannadii ay lahaayeen.
Halkaan ka Dhageyso Warbixin ku aaddan Dadka la Barakiciyay