Isagoo dhawaan ka hor hadlayay baarlamaanka dalka Itoobiya, ayuu ra’iisul wasaare Abiy Axmed wuxuu soo hadal qaaday jiritaanka isku dayo lagu doonayo in talada loogala wareego, xukunkana ay qabtaan saraakiil katirsan milliteriga wadanka.
Abiy Axmed ayaa sheegay inaanay marnaba suurogal ahayn in dalka uu afgembi ka dhaco, isaguna uu yahay qof feejigan oo ciidannimo soo maray, sidaas darteedna uu horey uga baaraan degay arimaha noocaas ah, laamaha amniga ee dalkana uu u dhisay qaab aaney suurogal ka dhigi karin in dalka uu afgembi ka dhaco.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ku dheeraaday ka hadalka qodobkan wuxuu muujiyay dhinac kale suurtogalnimada in kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda dhexe ay soo gaari karaan magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka, isagoona isweydiiyay haddii ay yimaadaan bal waxay ka dheefayaan.
” Haddii Jabhadda OLA ay soo gaarto caasimadda bal aan isweydiinno maxay ka faa’iidayaan? waxay ku leeyihiin waxaan raadineynaa dhaxalka aabayaasheenna, dhaxalka aabayaasheenna waa mid naga wada dhexeeya, waxaa noo wada dan ah nabadda” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed.
Wuxuu sheegay Abiy Axmed in marka ay codsanayaan ilaalinta nabadda aaney ka dhigneyn iney taagdarantahay dowladda Itoobiya oo ay ka daaashey dagaallada ” dadka qaar ayaa u qaba marka aan nabadda ku baaqeyno inaan dabacnay oo aan taagdareynay, sidaasi maahan, laakiin ogaada way fududahay in dagaal uu billowdo, markaasna yaan lagu qeyla dhaaminin inuu xasuuq dhacay, maxaa yeeley waxaa soo bixi doona waxyaabo foolxun” ayuu yiri Abiy Axmed.
Mudooyinkii u dambeeyay waxaa taagnaa hadalheyn la xiriirta suurtogalnimada in dalka Itoobiya ka dhacaan tallaabo afgembi ah, safaaradaha reer galbeedka ee dalka ayaana soo saaray digniino amni oo kala duwan, iyasoo safaaradda Maraykanka ee Adis Ababa ay tilmaamtay in amniga dalka uu halis ku jiro, falal amni darro oo ay afduubyo kamid yihiinna ka dhacayaan dalka, iyadoo lacago madax furasho ah la dalbanayo.
In xilligan uu Abiy Axmed soo hadal qaado iney jiraan isku dayo afgembi ayaa ka dhigan xaaladda hubanti la’aanta ah ee ka jirta dalka Itoobiya, kaasoo wajahaya culeesyo dhinacyo badan leh, waxaana weli gobollada Amxaarada iyo Oromada ka socda dagaallo adag oo u dhexeeya kooxo hubeysan iyo ciidamada milliteriga Itoobiya, iyadoo ay jiraan deegaano badan oo ka baxay gacanta dowladda dhexe.