Madaxda dowladaha ku bahoobay isbaheysiga NATO ayaa kulan maalintii shalay ugo soo gebegeboobay dalka Maraykanka waxay kaga ballanqaadeen in taageero xoogan ay siin doonaan dowladda Ukraine.
Taageero milliteri oo ku kaceysa adduun lacageed oo gaaraya 40 bilyan oo dollar ayay sheegeen in sanadka soo socda ay siin doonaan dowladda Ukraine, si ay isaga difaacdo weerarka uga yimid Ruushka.
Laakiin ururka NATO wuxuu sheegay in marnaba taageerada ay siinayaan Ukraine aaney keeni doonin iney si toos ah uga qeybgalaan dagaalka u dhexeeya Moskow iyo Kyiv.