Maalintii shalay fagaare ku yaalla degmada Jamaame ee gobalka Jubada-hoose waxaa lagu toogtay 5 nin oo basaas ah oo la shaqeynayay sirdoonnada Shisheeye iyo kuwa Dowladda federaalka.
Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo fagaaraha ka kaqriyay xukunka Maxkamadda Islaamiga ah ayaa sheegay, in 5-taan ruux ee lagu soo eedeeyay falka basaasnimada ah ay ushaqeynayeen sirdoonnada Mareykanka, Kenya iyo kan dowladda fedaraalka.
Magacyada ragga 5-ta ah ee la toogtay ayaa kala ah:
1-Cali Xasan Cismaan oo ahaa 43 sana jir ahaa una shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka.
2-Cismaan Cabdiraxmaan Cumar oo 44 sana jir ahaa lana shaqeynayay sirdoonnada Mareykanka iyo Kenya.
3-Max’med Xasan Maxamed (Ajnabi) oo 26 sana jir ahaa una shaqeynayay sirdoonka maamulka la baxay Jubbaland
4-Max’med Kimamni Jirimaaya Yuusuf Roogow oo 32 sana jir ahaa una shaqeynayay sirdoonka Kenya
5-Farxaan Cumar Sheekh Warsame oo 24 sana jir ahaa lana shaqeynayay dowladda Kenya.
Haddaba hoos ka dhageyso Qaadiga Maxkamadda Islaamiga ah ee Jubada-hoose oo faahfaahin ka bixinaya xukunka.
Halkaan ka Dhageyso Xukunka Maxkamadda jawaasiista degmada jamaame